DF oo war cusub kasoo saartay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

ARUSHA (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan oo warsaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay wararka soo baxaya ee sheegaya inay kulmayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed.

 

Ilyaas ayaa shaaca ka qaaday in dowladda fedetaalka ay soo dhaweyneyso dadaallada madaxda gobolka ee ku aadan ilaalintada amniga iyo xasiloonida gobolka, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in aanu weli isbeddalin mowqifka Soomaaliya ee ah in marka hore ay Itoobiya ka laabato heshiiska sharci darrada ah ee ay la gashay maamulka Somaliland.

Shalay madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo madxweynaha Uganda Yuweri Museveni ay ka shaqeynayaan sidii loo yareyn lahaa xasaradda gobolka.

Warsaxaafadeedka aya u qornaa sidatan:-

Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhamaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here