KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo watay illaa 4 doomood ay ku biireen ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadan ayaa waxaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay ciidamada dowladda ee la geeyay halkaasi iyo saraakiishooda, sida ay muujinayaan muuqaallo la helay.
Sidoo kale sarkaalka hoggaaminayay ciidamada soo goostay ayaa ka warbixiyay ujeedkooda, wuxuuna tilmaamay inay garteen inay kusoo biiraan dowladdooda.
Halkan hoose ka daawo:-