MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.
Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyada oo dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda.