KISMAAYO (SMN) – Ciidamada Daraawiista Jubbaland ayaa haatan bilaabay abaabul culus oo ka dhan ah ciidamada ay dowladda Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay wadaan Daraawiishta Jubbaland oo isku diyaariyay inay qaadaan duulaan culus.
Sarkaal u hadlay guutada Birjeex ee ciidanka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay ku jiraan heegan buuxa, ayna sugayaan oo kaliya amarka madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada dowladda ula dagaalami doonaan, sida Al-Shabaab oo kale, isaga oo ku eedeeyay in kusoo duuleen deegaanka.
Axmed Madoobe ayaa Jimcihii sheegay inay 15 maalmood u qabanayaan ciidamada dowladda ee la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo milatari oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay waddo dowladda.