MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iclaamiyay xiritaanka kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare Baarlmaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka billaaban doonna 01 Diseembar 2024 kuna eg 02 Febraayo 2025.
Labada gole ee baarlamaanka ayaa qorshuhu ahaa in la soo xiro fadhiyadooda bishii hore, balse Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka codsaday in ay sii shaqeeyaan, iyaga oo dhammeystiray ansixinta Guddiyada Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Sohdimaha.