MUQDISHO (SMN) – Cabdikariin Axmed Xasan ayaa hab gacan taag ah loogu doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddoomiyaha cusub ayaa helay 17 cod, oo ay siiyeen xubnaha guddiga oo ka kooban 18 qof, kuwaas oo dhowaan ay soo meel-mariyeen xildhibaannada labada gole.
Sidoo kale Saadaq Abshir Garaad ayaa loo doortay Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.
Intaasi kadib guddoomiyaha la doortay ayaa madasha ka hadlay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii dalkan loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.
“Gabar iyo wiil walba oo Soomaaliyeed waxaan gurigooda ugu geynaynaa sanduuqa codeynta” ayuu yiri guddoomiyaha la doortay Cabdikariin Axmed Xasan.
Doorashada guddoonka guddiga doorashada ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin guddigan oo horay ay usoo ansixiyeen labada gole.