Ra’iisul wasaare Xamza oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bil ka socda Magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo la wadaagay xogta hordhaca ah ee ka soo baxday, dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta qorshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howlwadeennada gacanta ku haya diyaarinta qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen, waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here