Shabelle oo baaris ku heyso ganacsato iyo xildhibaano ku lug-leh boobka dhulalka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamo aad u hubaysan oo wata cagafyo ayaa xalay ku guureeyay xaafadda Kaluunka agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

 

Ujeedka ciidamadan ayaa ah in xaafaddaasi laga saaro shacabka dagan muddada ka badan 30-ka sano, kuwaasi oo aysan jirin xilligan goob dowladu u diyaarisay si loo dajiyo.

Habeen guurada ayaa ah tan ugu daran ee shacabka looga toosinayo hurdada, iyaga oo anan garaneynin halka looga yimid iyo halka ay tahay in ay ciirsadaan, sidaasi si lamid ah waxaa dhowr xarumood looga saaray dadkii daganaa kuwaasi oo qaarkood qeyb ka noqday barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

Dhulalka danta guud ee laga saarayo dadka ayaa waqtiyadii ugu dambeesay ahaa kuwo is-daba joog ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in ay haysato dhaqaale yari xoog leh maadaama sida la sheegay dalalka caalamka qaarkood ay ceshadeen lacagihii ay siin jireen dowladda.

Shabelle oo baaris ku haysa arrinta dhulalka danta guud ayaa ogaatay in ganacsato tiro ahaan gaaraysa illaa 9 ganacsade oo qaarkood ay ku jiraan baarlamanka ay hadiya jeer dowladda kaga faa’iideestaan daruufta haysata iyaga oo ka iibsanaya dhulal ay soo ishaarteen.

Ganacsatadan ayaa la rumeesanyahay in ay la wareegeen dhulal badan oo ahaa kuwo dan guud ah kuwaasi oo laga barakiciyay dad danyar ah oo anan garaneynin goob ay ciirsadaan iyaga oo wax dib u dajin ah aysan ka helin dowladda.

Ganacsatadan Shabelle ay baarista ku hayso ayaa la sheegayaa in ay ku hayb yihiin dadka laga barakicinayo dhulalka marka laga soo tago shaqsiyaad xigta la ah Madaxweynaha JFS.

Arinta dhulalka ayaa u muuqanayasa in ay tahay hashu iyadaa geela cunta, iyadaa haddana cabaadda.

Warbixinta soo socta Shabelle waxa ay idin kula wadaagaysaa, magacyada ganacsatadan iyo macluumaadkooda ku aadan sida ay uga faa’iideesanayaan daruufta dhaqaale ee DFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here