Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Sh/Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgalkaan oo si qorsheysan looga fuliyay duleedka tuulada Jambaluul ee Degmada Afgooye,waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo qaabilsanaa uruurinta lacagaha laga qaado shacabka.

Xubnaha la dilay waxaa kamid ahaa Macalin Nuur, Liibaan, 3-Cali Yare iyo 4 Bilaal.

Sidoo kale howlgalkaasi waxaa lagu dhaawacay Kuusoow iyo Caddoow oo iyaguna ka tirsanaa Al-Shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in aymeel kasta ku  beegsadaan kooxaha khawaarijta,sidaa  daraadeed,waxaa lagu wargaliyay in dadweynaha ay ka fogaadaan goobaha lagu tuhmayo maleeshiyaadkasi nabad-diidka ah.”  ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Nabad-sugidda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here