MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxda, martida iyo guud ahaan ka qeyb-galayaasha shirkaan oo saddexdii biloodba mar qabsooma.
Guddoomiyaha ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah.
Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
