MUQDISHO (SMN) – Waxaa laga dayrinayaa amaanka waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho, Afgooye, illaa Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay kusoo kordheen falalka liddiga ku ah ammaanka.
Dilal qorsheysan iyo qaraxyo ayaa inta badan ka dhaca waddadan oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.
Dilkii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay halka loo yaqaano Doonka oo ah duleedka Afgooye, waxaana loo gaystay nin lagu magacaabi jiray Daahir Xasan Siyaad.
Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo darawal ahaa ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo kadibna goobta ka baxsaday.
Sidoo kale waxaa ka horreeyay dilka laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed oo lagu dilay xilli ay ku socdaalayeen waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.
Todobaadkii hore ayaa waxaa sidoo kale qarax gaystay khasaare xooggan uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.