MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Howlgalkan oo ay horkacayeen mas’uuliyiinta degmada ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafado ka mid ah degmada Waabari.
Sidoo kale maamulka oo faah-faahin ka bixiyay baaritaanada dhacay ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin ah, si looga soo socdo dhaq-dhaqaaqa degmada.
Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiintu amreen in hadda kadib ay mamnuuc tahay gawaarida in lagu dhaqo laamiga hareerihiisa iyadoo looga gol-leeyahay Bilicda, Nadaafada iyo amniga intaba.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa howlgalo ka waday gudaha caasimada, kuwaas oo si weyn loo dareemay, loogana nastay qaraxyadii ka dhaci jiray Muqdisho