Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dil ka gaystay degmada Dharkenley

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro aha loogu gaystay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

 

Dilka ayaa waxaa lasoo wariyay inuu gaystay askari ka tirsan ciidamada NISA oo goobta ka baxsaday, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in wiilka xilliga la dilayay uu cayaarayay kubad, isla markaana uu muran soo kala dhex-galay isaga iyo askariga dilka gaystay.

Ehellada ayaa sheegay in wiilkooda aanu gaysan wax dambi ah, isla markaana loo dilay si xaq darro ah, iyaga oo dalbaday cadaalad.

Mararka qaar askarta ciidamada dowladda ayaa dilal ka gaysta caasimadda, inkastoo muddooyinkii u dambeeyay aad looga nastay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here