MUQDISHO (SMN) – Ku dhowaad kun askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isku dhiibay Dowladda Kenya kadib markii ay ka talaabeen xuduudkeeda maalintii Arbacada iyagoo naftooda kala soo baxsaday Magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubadda Hoose.
Xog ay heshay Shabelle TV ayaa sheegeysa in tirada guud ee is dhiibtay ay yihiin 967 oo 19 ka mid ah ay dhaawacyo kala duwan qabaan.
Soomaaliya ayaa maanta dhex dabaalaneysa fadeexadii ugu xumeyd abid, maadaama Ciidankii laga filayay dhowrida sharafka Qarankooda la arkayay iyagoo gacmaha kor u taagaya islamarkaana isu dhiibaya askarta dal kale oo ilaalinaya amniga xuduudkooda.
Qorsha markii horeba Ciidankan lagu geeyay Raaskamooni ayaa sida la sheegay waxaa lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaasi oo aaminsan in uu Shacabka Jubaland uu isagu ku matalo Dowladda Federaalka.
Sida xogtu tilmaameyso, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa doonayay in qorshiisu horseedo in xalka laga tuuro, islamarkaana la soo xiro Madaxweyne Axmed Madooe, si loo horkeeno Maxkamadda Sare ee Dalka.
Fadeexadii ka dhalatay go’aanka Ciidanka lagu geeyay Raaskambooni ayaa hadal heyn ballaaran dhalisay, iyadoona shacabka ay haatan ka dhursugayaan tallaabada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaadi doono dhanka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre si uu jawaab uga bixiyo waxyeelada soo gaartay sharafka Ciidanka Xooga Dalka iyo guud ahaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.