Jubbaland oo eedeyn culus u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

KISMAYO (SMN) – Maamul goboleedka Jubbaland oo warsaxafadeed soo saaray ayaa mar kale eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay weli halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

 

Jubbaland ayaa sheegtay in weli dowladda federaalka ay qalqal-gelin amni ka waddo gobolka Gedo, isla markaana ay adeegsaneyso ciidamadii amniga ee joogay gobolkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan ;-

Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wali wada kala furfurida iyo qalqal galinta amniga deegaanada nabada ah ee Jubbaland ayadoo la ogyahay Cawaaqiib xumada uu kala kulmay Dhalinyaradii uu kusoo qalday Deegaanka Raaskambooni.

Dagmooyinka Gobolka Gedo ayeey Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed.

Odoyaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa horay ooga digay in aan la carqaladeynin Amniga ay heystaan Shacabka reer Gedo oo sabab ay u tahay Dowladda Jubaland.

Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ayaa eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa waxa ay u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa horay usheegay in Jubaland ay u taagan tahay ilaalinta Dastuurka Dalka iyo Kan Jubaland wixii intaas kasoo harana Jubaland ay iskaga filan tahay in ay iska difaacdo, ilaalisana Amniga Shacabka dagan deegaanada Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here