Xabsi cusub oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo + Sawirro

0

BAYDHABA (SMN) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo uu wehliyo wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xassan Macallim Maxamuud ayaa maanta daahfuray xabsiga cusub ee magaalada Baydhabo, kaas oo qaab casri ah loo dhisay.

 

Xafladda howlgelinta xabsiga waxaa Wasiirka ku wehliyay madax ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin wasiir dowlaha wasaaradda mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar iyo xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda mudane Faysal Aadan Xassan.

Sidoo kale xafladda waxaa ka qayb galay  madax ka socotay labada gole ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laamaha amniga iyo Asluubta Labada heer.

Wasiir Xassan Macallin oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo ay tahay tallaabo weyn oo ka mid ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta adeegyada, hagaajinta xaaladaha xabsiyada iyo dhowrista xuquuqda maxaabiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here