MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku amaanay Guddoomiye Madaale shaqooyinkii adkaa ee uu kasoo qabtay Gobolka Banaadir, asigoona kula dar-daarmay Duqa cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Amiir in uu dar-dargeliyo qorshayaasha horumarinta Caasimadda oo ay ugu horeyso Adeegada dad-weynaha iyo in bulshada la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod si ay usoo doortaan mas’uuliyiintooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cali Xoosh ayaa xilka u kala wareejiyay labada Mas’uul, iyadoona Munaasabadda ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenada G/Banaadir, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haweenka, Dhalinyarada iyo marti sharaf kale oo ka tirsan qeybaha kala gedisan ee Bulshada.