Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Ceerigaabo oo kordhay

0

CEERIGAABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo mar kale ka dhacay magaalada Ceerigaabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

 

Dagaalka oo la’isku riiqmay ayaa soo bilowday shalay, wuxuuna soo gaaray ilaa maqribkii xalay, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo aad u kordhay.

Ugu yaraan illaa 7 ruux ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalka, maadaama ay isku hayaan gacan ku haynta magaalada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka Somaliland ciidamadii ugu badnaa ay soo dhoobtay gudaha Ceerigaabo, taas oo uga sii dari karto xiisadda ka taagan halkaasi.

Dhankeeda SSC ayaa gurmad heleyso, waxaana gaadiidka dagaalka iyo ciidamo horleh ay gaareen furinta hore ee dagaalka.

Xaaladda aya weli aad u kacsan, waxaana magaalada inta badan ka barakacay qoysaskii deganaa, si ay u fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka.

Somaliland iyo SSC ayaa muddo dagaalamaya, waxaana horay ay ugu dirireen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo hadda fadhi u ah KMG u ah Khaatuma, laakiin waxaa mar kale la’isku hayaa dhanka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here