Ruushka oo ka cafiyay Soomaaliya ku dhawaad $50 milyan

0

MUQDISHO (SMN) -Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay ka cafisay Soomaaliya lacag deyn ah oo ay ku lahayd muddo 40 sano ah, xili dalka uu ku jiro marxlad dib usoo kabasho ah dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo dowlad-dhiska, oo beesha caalamka ay taageero ku siinayso Dowlada Federaalka.

 

Lacagta oo gaareysa 48 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay ka qaadatey dowladdii Midowga Suufiyeetiga ee ka talin jirtay Ruushka 1984, waxaana tan iyo xiligaas ku socday lacago dul-saar ah oo gaarsiisay heerka maanta joogo ee la cafiyay.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in lacago kale oo harey laga cafin doono Soomaaliya April 2028, waxaana labada dhinaca ay heshiis ka gaareen arintan July 26, 2023.

Soomaaliya ayaa dibadda looga lahaa in ka badan 5 bilyan oo dollar oo dowlado badan oo Mareykanka ku jiro ay dhawaan ku dhawaaqeen inay cafiyeen, taasoo u horseedaysa wadanka inuu ka qaato Bangiga Adduunka iyo IMF deymaha uu u baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here