GAARISA (SMN) – Guddoomiyihii labaad ee Garissa, Cali Bunow Qorane, ayaa sheegay in kulamo miro dhal ah uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, islamarkaana uu qadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Maaamulka Jubaland Axmed Madoobe.
Wuxuu sidoo kale la kulamay safiirada caalamka sida kuwa ka soo jeeda Mareykanka iyo Norway si ay uga wada hadlaan arrimaha ka jira gudaha Soomaaliya.
Kulamada Bunow ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-