DF Soomaaliya oo bilowday baarista weerarkii Al-Shabaab ee Xawaadley

0

BALCAD (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaris la xiriirta weerarkii xooganaa ee todobaadkii hore Al-Shabaab ka gaysteen deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Weerarka oo gaadmo ahaa ayaa waxaa xigay dagaal la’isku riiqmay oo dhaliyay khasaare xooggan, kadib markii xubnaha Al-Shabaab ay beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda.

Inta uu weerarka socday ayaa lagu dilay askar badan, halka qaarkood nolosha ay ku wateen raggii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha lagu waayay waxaa kamid ah Kabtan Yuusuf Aar Aar oo la sheegay in dhaawac ahaan ay u wateen Al-Shabaab, waxaana jira askar oo la waayay weerarka kadib.

Baarista bilaabatay ayaa ah mid lagula xisaabtamayo saraakiishii hoggaaminayay ciidamada ku sugnaa Xawaadley, waxaana kamid ah taliyaha guutada 3-aad Yuusuf Ibraahim iyo taliyaha ururka ciidanka la weeraray Gaashaanle Tifow Yare, si wax looga waydiiyo dhacdadaasi.

Xawaadley waxaa maanta gaaray taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, Sarreeyo Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo sheegay in howlo shaqo uu u tagay halkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa u kuurgeli doono xaaladda ciidamada, isaga oo ka xog wareysan doono sida ay wax u dhaceen, kadib dagaalkii ay halkaasi kula galeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo ku xooggan aagga Xawaadley ayaa badanaa weeraro ku ekeeyo fariisimaha ciidamada, iyaga oo sidoo kale beegsada kolonyada ciidanka ee isaga kala goosha waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here