Shirka Wadatashiga Hiigsiga Qarnijirka 2060 oo ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka hiigsiga qarni-jirka oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgalayaan Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, lataliyaha Madaxweyaha ee dhinaca dhaqaalaha, Madax ka socota dowlad goboleedyada iyo Jaamacadaha dalka, Ururada bulshada, ganacsato iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

 

Shirka oo uu furay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka oo ay goobjoog ka yihiin dhamaan Wasaaradaha ka shaqeeya Horumarka Dhaqaalaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Bulshada Rayidka, Akaadeemiyadda iyo dhamaan qaybaha bulshada.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa in la isla meel dhigo istiraatiijiyadda wax-soosaarka dalka ee qorshaha hiigsiga qaran-jirka 2060-ka ee dalka, si loo helo Soomaaliya ka horumarsan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here