Wararkii ugu dambeeyay askar lagu laayay gobolka Shabeelaha Dhexe + Sababta

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii lagu laayay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo markaas uun kasoo laabtay furimaha dagaalka.

 

Maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab beeleed ayaa lasoo wariyay inay waddada u galeen kadibna ay toogteen qaar kamid ah askarta, halka kuwa kalena ay baxsadeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay illaa 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, waxaana sababta loo dilay lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil.

Taliyaha ciidanka booliska HirShabelle Xasan Dhicisow oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna intaasi ku daray inay soo qaban doonaan dadkii ka dameebyay falkaasi.

“Ciidankii dowladda ee u dhimanayay dalka iyo dadka wadada loo galo oo la dilo waa fal fool xun, meel kasta ayaan uga daba-galeynaa ciddii falkaas gaysatay” ayuu yiri Taliye Xasan Dhicisow.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka taagan colaad beeleedyo, waxaaba gobolkan kusoo noq-noqday dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay dadka iyo deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here