Nabadoon Abaabul oo si adag uga hadlay dhacdadii deegaanka Ceel Baraf

0

MUQDISHO (SMN) – Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo kamid ah madax dhaqameedka Mudulood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Mudisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan colaadaha sokeeye ee haatan ka qarxay qaybo badan oo kamid ah dalka.

 

Abaabul ayaa ugu horreyntii soo hadal qaaday dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf, halkaas oo sababo la xiriira aano qabiil darteed loogu dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka oo kasoo laabtay furimaha hore ee dagaalka.

Nabadoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkaasi oo caro wayn dhaliyay, wuxuuna dalbaday in gacanta lagu soo dhigo dambileyaasha oo weli baxsad ka ah cadaaladda.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray beesha ay kasoo jeedaan askarta la laayay, oo uu ugu baaqay inay ka war sugaan dadaalka ay wadaan dowladda iyo HirShabelle, isaga oo ku nuux nuuxsaday in labada dhinacba ay dhibaato isku geeystaan oo aan hal dhinac oo kaliya la dhibaateeynin.

Dhacdada Ceel Baraf ayaa noqotay mid kamid ah kuwii ugu xumaa ee ka dhaca gayiga Soomaaliyeed, waxaana lagu beegsaday askar Soomaaliyeed oo ku howlanaa difaaca qaranka, iyada oo loo dilay haybtooda, xilli ay fasax kasoo qaateen taliskooda, si ay booqdaan ehelladooda.

Si kastaba, dowladda federaalka iyo HirShabelle ayaa haatan wada howlgallo lagu baadi goobayo eedeysanayaasha, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in qaar kamid ah dambiileyaasha gacanta lagu soo dhigay, waxaa kale oo lasoo xiray guddoomiyihii Ceel Baraf iyo qaar kamid ah odayaasha deegaanka oo loo haysto inay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saarneyd dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here