MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Sabtidii shalay khadka taleefoonka wadahadal ku yeeshay, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.
Madaxweyne El-Sisi ayaa iftiimiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar, taasoo uu sheegay inay keentay ka qeybgalka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ka billaabanaya Soomaaliya bisha January ee 2025.
Waxuu Al-Siisi sheegay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri lahayd xaqiijinta amniga iyo xasiloonida iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah oo salka ku haya heshiiskii difaaca ee bishii August lagu gaarey magaalada Qaahira.
Madaxweyne El-Sisi ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiskii dhawaan dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya ee Erdogan uu dhex-dhexaadiyay, isagoo rajo ka muujiyay inuu kaalin ka qaadan doono ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika marka loo eego mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Macron oo maalmo kahor booqday Itoobiya ayaa taageeray dadaalka uu Abiy Axmed ugu jiro sidii ay dowladiisa dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah.
Masar ayaa la filayaa inay ciidamo lagu qiyaasay illaa 10,000 askari inay usoo dirto dalka Soomaaliya, kuwaasoo buuxinaya meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya, oo ku sugan degaanada Koonfur Galbeed, Jubaland iyo HirShabeelle.
Itoobiya ayaa walaac ka muujisay Ku lug lahaanshaha Masar ee arrimaha Soomaaliya iyo Ciidamada ay usoo dirayso, iyadoo laga digayo labada wadan oo u dhaxeeya khilaaf xoogan oo ku salaysan webiga Niil ay fooda isku daraan gudaha Soomaaliya, maadaama Itoobiya diidan tahay inay askarteeda kala baxdo wadanka.
Howlgalka cusub oo ka kooban 12,000 oo askari ayaa dalalka ka qeybgalaya laga saarey Itoobiya, iyadoo taasina abuurtay jahwareer cusub, waxaana su’aallo la iska waydiiyay inay askarta Masar buuxin karaan goobaha ay Ciidamada Itoobiya gacanta ku hayaan oo ah meelaha ugu khatarta badan marka loo eego joogitaanka Al-Shabaab.