BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa la filayaa in dhowaan uu booqasho ku tego magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ilow wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay safarka madaxweynaha ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan uu Beledweyne u tegayo arrimo la xiriira dhameynta tabashada reer Hiiraan ee ka qabaan dhismaha maamulka HirShabelle.
Shalay ayaa waxaa lasoo afjaray maamulkii la magac baxay Hiiraan State, kadib markii hoggaamiyihii maamulkaasi uu heshiis buuxa la gaaray dowladda federaalka Soomaaliya.