Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Addis Ababa

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Itoobiya, isaga oo wada-hadallo la yeeshay ra’iisul wasaare Abiya Axmed.

Qorshaha ugu wayn ayaa ah dhameystirka heshiiska Ankara ee ay wada gareen labada dowladood, gaar ahaan arrinta baddan.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaadi doonaan sidii ciidamada Itoobiya ay qayb uga noqon lahaayeen howlgalka cusub ee haatan ka bilowday gudaha Soomaaliya.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadow ugu tilmaamay Itoobiya, balse haatan waxaa isbeddalay mowqifkiisa, kadib heshiiska labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here