Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay madaxda bulshada rayidka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeybgalay ka dhagaytay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriir xaalada dalka, gaar ahaan arimaha siyaasada, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhincyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamka qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgalinta doorashooyinka tooska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay sida dowladda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay ka mirodhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriirta qabashada doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.

Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaareyaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka khawaarijta, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigalinta bulshada iyo dowlad dhiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here