Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Addis Ababa + Sawirro

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

 

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis-ababa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Itoobiya ku tegay ka dib martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ayaa wuxuu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis-ababa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Itoobiya ku tegay ka dib martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ayaa wuxuu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadow ugu tilmaamay Itoobiya, balse haatan waxaa isbeddalay mowqifkiisa, kadib heshiiska labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here