Sanbaloolshe oo ballan qaad culus u sameeyay Macawiisleyda gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo duleedka magaalada Beledweyne kula hadlay boqolaal  ka tirsan ciidanka deegaanka  ayaa sheegay in laga heshiiyay khilaafyadii ka dhex jiray dadka deegaanka ee magaalada Beledweyne, isaga oo tilmaamay in aan dib loogu laaban oo bulshada ay kawada shaqeyaan hormarka degaanka.

 

Taliyaha ayaa Sidoo kale ayaa carrabka ku adkeeyay in ay dowladdu qarameyn doonto, loona baahanyahay maanta wixii ka danbeeyo inay isku diyaariyaan in ay qeyb ka noqondaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

“Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno, dowladnimada aad horay u gashaan ee aad daraf ka taagnaanin.” ayuu yiri taliyuhu.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in si guud loogu wada shaqeeyo ammaanka deegaanka, isaga tilmaamay  in ay qeyb weyn ka qaadan doonaan raadinta xuquuqdooda mid nololeed iyo mid saanad hub la xiriirtaba

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayan wixii ay khawaarijya lagala dagaalamayay in shacabka lagu sameeyo cid laga yelayana aysan jirin

“Wixii aan Khawaarijta kula dagaalanay suurta gal maaha in aan dadkeena ku sameyno, gobolka Hiiraan waa in aan lagu arkin Isbaaro”.ayuu yiri Taliye Odowaa Yuusuf Raage

Hadalkaan sarakiisha NiSA iyo xoogga dalka ayaa ku soo aadayo xilli xalwaara laga gaaray shaqaaqadii ka jirta Magaalada Beledwene dowaladna si rasmi ah loogu wareejiyay ammaanka guud ee gobalka Hiiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here