GAARISA (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula beegsaday qaybo kamid ah gobolka Waqooyi ee dalkaasi
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kolonyo ay wateen ciidamadan loo dhigay, xilli ay ku socdaalayeen agagaarka deegaanka Kiyonga.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ku dhowaad 5 askari ayaa ku dhintay weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Ciidamada la qarxiyay ayaa socdaalkooda sii watay, mana jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaasi.
Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.