Fiqi oo u jawaabay xubnaha mucaaradka ee eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka ee shalay shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana eedeeyay Xasan Sheekh.

 

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in xubnaha hadlay aysan garaneyn waxa ay rabaan iyo waxa ay diidan yihiin, isla markaana ay leeyihiin dano siyaasadeed oo gaar ah.

Axmed Macallin Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in dalka uu aaday doorashooyin qof iyo cod ah, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Saddexdaan oday “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay!

Baarlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.!

Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon).

Markay halkaas joogto “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay! Shalay iyo maanta! Maslaxadiisa iyo dhibkiisa!.

Doorasho hala isku diyaariyo war kale dalkaan Kama furnee, xisbiyadana boorka halaga Jafo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here