MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax aan suurtagal aheyn ku tilmaamay in DFS ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, maadama sida uu xusay ay muuqdaan caqabado dhowr ah oo arrintaas ku hor gudban.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa DFS ku eedeyay talaabooyin dhowr ah oo ay qaaday, kuwaas oo sababi doona in aan lagu heshiin doorashada, aaxana kamid ah qodobada uu xusay Dastuurka oo wax ka bedel lagu sameeyay iyo dhismaha gudiga doorashooyinka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay la tashi laga sameeyo arrimaha doorashooyinka iyo wax walba oo masiirka ummadda taabanaya.
Shirka Jaraa’id ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo iyaguna eedeymo u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.