MUQdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada iyo dadaallada ay dowladda ka waddo gobolka Hiiraan.
Xamza ayaa boggaadiyay in lasoo afjaray xasaradihii muddada dheer ka taagnaa magaalada Beledweyne iyo in amniga lagu wareejiyay ciidamada dowladda.
Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay hub ka dhigista lagu sameeyo ciidamadii Macawiisleyda, lagana wada shaqeeyo nabadeynta iyo horumarka gobolka.
“Waxaan boggaadinayaa dadaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Beledweyne, waxaana ilaahay mahadiis ah in dhammaan la isku raacay in la soo af jaro foowdadii oo la isla ogolaaday in sharcigu shaqeeyo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan amniga Beledweyne toos loogu wareejiyay ciidamada dowladda, kadib markii heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa magaaladaasi.