BELEDWEYNE [SMN] – Jen. Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hadlaya howlgallada ka socda qeybo kamid ah Puntland, ee lagula dagaalamayo Daacish iyo Al-Shabaab.
Isagoo ciidamada dowladda kula hadlayay jiida hore ee dagaalka gobollada dhexe ee dalka ayaa bogaadiyay howlgalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha gobolka Bari, kaasoo ciidamada difaaca Puntland ay maalmahan ka gaarayeen guulo isdaba joog ah.
Jen Odowaa ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya taageerayso dhamaan howlgallada ka socda Maamullada dalka, ee lagula dagaalamayo islamarkaana dalka looga saarayai Daacish iyo Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka aysan nasan doonin inta Taako kamid ah dalka ay joogaan kooxahan, isagoo intaasi ku daray in dowladda ku jirto diyaar-garow lagu qaadayo howlgalka ballaaran lagu dhameystirayo dagaalkii uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh 2022.
Mudo ka badan sanad ayuu hakad ku jiray howlgalka Ciidanka, sababo la xiriira xaalado kala oo dowladda ku mashquushay oo ay kamid yahay khilaafka siyaasadeed iyo ku biirista ururada caalamiga ah.
Sidoo kale isbedelka lagu sameeyay hogaanka Ciidamada ayaa saameyn ku yeeshay dagaalka, oo dhowr jiho markii hore laga billaabay, waxaana joojintiisa fursad u siisay Al-Shabaab in fuliso weeraro kala duwan, oo qaar saldhigyo militeri ay ku qaadey.