Jubaland oo billowday howlgal ay uga hortagayo weerarada Al-Shabaab

0

KISMAAYO [SMN] – Ciidamada maamulka Jubaland ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee hoosyimaada.

 

Howlgalada ayaa ah kuwo looga hortagayo Khataraha dhinaca amniga, oo ay geysan karaan kooxaha kasoo horjeeda maamulka Jubaland, oo ay qeyb ka tahay Al-Shabaab.

Wararka la helayo gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalada ay ka wadaan deegaanada dhinaca woqooyi ka xiga magaalada Kismaayo oo hadda xarun KMG ah u ah Maamulka Jubaland.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay wadooyinka soo gala Kismaayo oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku aastay Miinooyin, si ay ugu dhibaatayso Ciidanka iyo Shacabka.

Mas’uuliyiinta amniga waxay xaqiijiyeen in dhowr miino laga soo saaray wadooyinka gala Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo la tilmaamay in ay halis ku ahaayeen dadka iyo gaadiidka mara halkaasi

Howlgaladan ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka iyo gaadiidka isticmaala Wadooyinkaasi. Jubaland ayaa sheegtay inay ku jirto mid kamid ah howlgaladeeda ugu xoogan ee dhinaca amniga si looga hortago in weeraro lagu soo qaado magaalada Kismaayo.

Jubaland ayaa dhowr jeer la kulantay weeraro kaga yimid dhinac dhinaca Al-Shabaab kuwaasi oo isugu jira weeraro toos ah iyo kuwo loo adeegsaday waxyaabaha qarxa.

Saraakiil u hadashay Ciidamada howlgalka ku jira ayaa sheegay in ay ku guuleesteen in wadooyinka ugu muhiimsan ay ka saaraan miinooyinka. Waxay tilmaameen in xubno katirsan Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku yimid deegaanada u dhaw Kismaayo ay miinooyinka galiyeen dhulka.

Saraakiisha Jubaland ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgaladaan ay sii socon doonaan inta ka xaqiijinayaan amaanka deegaanasa dhaca dhinaca waqooyi ee magaaladda Kismaayo, waxaana la filayaa in xaaladda wax badan iska bedesho mudooyinka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here