Muqdisho [SMN] – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay baaris qoto dheer ku samaysay caqabadaha waaweyn ee halis gelinaya jiritaanka qaranka Soomaaliya.
Khudbad uu u jeediyay qayb ka mid ah aqoonyahanka dalka, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay in saddex arrimood oo waaweyn ay yihiin kuwa ugu halista badan.
Marka hore, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in argagixisada ay weli tahay caqabadda ugu weyn ee amniga qaranka. Wuxuu xusay in kooxaha argagixisada ah ay dhibaato ba’an ku hayaan amniga, nafta, iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dagaalka lagula jiro argagixisada uusan ahayn oo kaliya mid ciidan, balse sidoo kale uu u baahan yahay in maskaxda bulshada lagu beero fikir ka hortagga xagjirnimada iyo nabad ku wada noolaansho.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay halista ay leedahay aragtida gooni-u-goosadka, taas oo uu ku tilmaamay mid gurracan oo khatar ku ah midnimada iyo jiritaanka qaranka. “Aragtida gooni-u-goosatadu waa mid ka soo horjeeda qaranimada iyo wadajirka, waana in laga hortago iyadoo la mideynayo aragtiyaha bulshada,” ayuu yiri.
Waxa kale oo uu xusay in nuglaanta dowladnimada ay tahay caqabad kale oo u baahan xal waara. Wuxuu sheegay in dowladnimada loo baahan yahay in la xoojiyo si loogu istaago midnimada, horumarka, iyo kobcinta adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay aqoonyahanka inay door muhiim ah ka ciyaaraan xal u helidda caqabadahaas. “Xalka waxaa ugu muhiimsan in aan ka faa’iidaysanno dadka wax bartay, oo aad idinku qayb ka tihiin. Idinkuna waxaad tihiin hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee dalkeenna,” ayuu ku yiri aqoonyahanka.
Ugu dambayn, wuxuu ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ku xoojinayso amniga, midnimada, iyo dowladnimada si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, oo horumar leh.