Qoyska Askari Kenya u dhashay oo gacan ugu jira Al-Shabaab oo baaq diray

0

NAIROBI [SMN] – Kadib markii maalmo kahor ay Al-Shabaab baahisay muuqaalka askari Kenyan ah oo lagu qabtay weerarkii Ceel-Cadde ee dhacay 15-kii Janaayo 2016, ayaa waxaa dib usoo noolaatay rajadii qoyska askariga oo horey dowladda Kenya ugu diiwaangelisay dhimasho.

 

Akariga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ciise Ibraahim ayaa qeyb ka ahaa askartii ku sugnayd saldhigga Ceel-Cadde ee gobolka Gedo xiliga weerarka Al-Shabaab, wuxuuna kamid noqday askar badan oo nolosha lagu qabtay intii uu socday dagaalka.

“Magacaygu waa C/llaahi Ciise Ibraahim, Waxaan ahay askari Kenyan ah. Weerarkii Ceel-Cadde ka dib, waxaan fileynay in dowladda Kenya ay ka shaqeyn doonto sii daynta aniga iyo askarta kale ee ku jira gacanta Al-Shabaab, si aan  dib ula midowno qoysaskeena,” ayuu ku yiri muuqaalka Al-Shabaab ay baahisay.

Askariga oo kasoo jeeda magaaladda Eldoret, ayaa 9 sano kadib loo ogolaadey inuu xiriir la sameeyo qoyskiisa, kahorinta muuqaalkiisa la baahin, sida ay warbaahinta Kenya u sheegtay Gabadhiisa Khadra C/llaahi Ciise.

Waxay Gabadhu sheegtay in qoyskeeda uu lumiyay dhammaan rajadii ay ka qabeen nolasha aabahooda, kaddib markii bishii December 2020 ay ka heleen dowladda Kenya shahaadadiisa dhimasho.

“Waxaa la iiga soo wacay dalka Soomaaliya, nin isku sheegay in uu yahay aabahay. Shaki ayaana i galay, waxaana ka codsaday caddayn muuqaal ah inuu ii soo diro si aan u xaqiijiyo inuu aabahayga yahay. Ma uusin ii soo dirin, laakiin bil ka dib, waxay qoyska arkaan dhawaan muuqaalkiisa oo Al-Shabaab baahisay, waxaana ka codsanayaan dowladda Kenya inay noo badbadiso aabaheenna,” ayay tiri Khadra.

Fariinta askariga uu diray ayaa ahayd inuu ku xaqiijiyo marka hore inuu noolyahay islamarkaana gacanta ugu jiro Al-Shabaab iyo in ka codsado dowladda Kenya in ay ka qeyb qaadato inuu xorriyadiisa dib u helo.

Ma jiraan illaa hadda wax shuruudo ah oo Al-Shabaab soo bandhigtay oo la xiriira sii deynta askarta Kenyanka ah, balse horey ayaa u jiray baaqyo ah in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ay ka baxaan dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here