LAASCAANOOD [SMN] – Iyadoo mudo xileedka hogaamiyaha SSC-Khatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye uu gaba-gabo marayo, kuna egyahay bisha August ee nagu soo food-leh ayaa waxaa soo baxaya loolan xoog leh oo ku aadan qabashadda doorashadda.
Waxaa lagu eedaynayaa Firdhiye in uusan wax ka qaban diyaar-garowga doorashadda deeganada SSC-Khaatumo, oo hadda ku jira marxalad dagaal, maadaama Somaliland wali Ciidankeeda isku hor-fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.
Waxaa jira dhinacyo badan oo Aqoonyahano iyo Siyaasiin ay ku jiraan, oo dalbanaya in diyaar-garow loo galo doorashooyinka soo socda ee maamulka SSC-Khaatumo, kuwaasoo soo saarey War-saxafadeed ay baaq ku direen.




![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
