MUQDISHO [SMN] – 15 ka May 2025 oo iminka kaliya ay ka harsan tahay wax aan ka badned 4 Bil waxaa u Buuxsami Doonto Sanadkii Sedexaad Ee Mudo Xil heyntiisa Dastuuriga halka May 2026 uu ka idlaan doono 4ta Sano Ee xafiiska Villa Soomaaliya.
Heshiiskii daatuuriga Ee lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maanta Waa mid ay wax badan ka bedelatay DFS Sida Dastuurka la bedelay Heshiisyada Ay dowladda Gashay oo Maamulada qaar diidan yihiin iyo Arinta ugu Xasaasisan Ee ah Dooroshada Ka dhici karta Dalka Marka lagaaro 2026
Habeenkii la dooranaayey Xasan Sheekh waxaa Howlka dooroshada Taagnaa 5 Madaxweyne Dowlad Goboleedyada balse Xiligan waxaa ay kala Fogaadeen DF ka 2 ka mid ah Maamulada halka Madaxdii Hore iyo Qaar kale oo Siyaasiyiinta ka mid ah na ay iska diideen Hanaanka halka dhinac Ee Dooroshada iyo Arimaha Masiirga
Qodobka Dooroshada Waa Arinta Xasaasi ah oo horay loo arkay Xasaasiyada Siyaasadeed iyo Khilaafka ka dhalan kara.
DFS waxaa ay in badan ku celcelisay in ay qabaneeyso dooroshooyin Qof iyo Cod ah xilli ay Saamileyda Siyaasadda ay qeyb ka mid ah ay San door ku laheyn nuuca iyo Habka loo marayo