Sheekh Shariif oo Ka Hadlay Amniga Dalka iyo Qorshaha Doorashooyinka ee Xukuumadda

0

MUQDISHO [SMN] – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shalay khudbad taariikhi ah u jeediyay dhalinyaro boqolaal ah oo ku soo biiray xisbigiisa. Intii uu khudbadeynaayay, Sheekh Shariif ayaa diiradda saaray xaaladda amniga dalka iyo qorshaha hub-ka-dhigista ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif ayaa caddeeyay in amniga dalka uu weli yahay mid aan la isku halleyn karin, isagoo tilmaamay in dowladda aysan dammaanad qaadi karin badbaadada siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee mucaaradka.

“Amniga siyaasiyiinta mucaaradka lama hubo, taasina waxay ka tarjumeysaa baahida loo qabo nidaam dimoqraadi ah oo u wada furan dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Hubka Ma Dhigi Doonno Ilaa Nabad Laga Helo”
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd wuxuu ku adkeystay in aysan hubka dhigi doonin, isagoo sabab uga dhigay ilaalinta nafsadooda iyo badbaadinta howlahooda siyaasadeed.

“Hubka waa xalka kaliya ee aan isku difaaci karno ilaa xaalad nabadeed oo dhab ah laga gaaro,” ayuu yiri, isagoo ka digay qorshe kasta oo xoog ku saleysan oo ay dowladda ku dooneyso in ay ku xakameyso mucaaradka.

“Doorashada Qof iyo Cod Waa Mid Aan Heshiis Lagu Ahayn”
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku tilmaamay qorshaha doorashada qof iyo codka ah ee ay waddo dowladda mid aan la isla oggolaan, kuna sifeeyay qorshe ma dhalays ah oo aan u adeegayn shacabka Soomaaliyeed.

Mucaaradka oo Abaabulaya Diidmo Ballaaran
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah ayaa muddooyinkii dambe ka waday magaalada Muqdisho olole diidmo ah oo ka dhan ah qorshaha doorashooyinka ee dowladda. Mucaaradku waxay ku eedeeyeen dowladda inay wado qorshe u xaglinaya Madaxweynaha talada haya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku baaqay in la abuuro hannaan loo wada dhan yahay oo ku saleysan heshiis qaran.

Sheekh Shariif ayaa khudbaddiisa ku muujiyay sida ay mucaaradku uga go’an tahay inay u istaagaan xaqiijinta dowladnimo hufan oo dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin.

“Waxaan rabnaa dowlad ay shacabka leeyihiin, cadaaladna ku dhisan,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

Waxaa muuqata in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay sii kululaaneyso, iyadoo mucaaradka iyo dowladda ay kala wadaan ololeyaal iska soo horjeeda. Waxaa la sugayaa sida ay xaaladdu isu beddeli doonto bilaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here