JUBA [SMN] – Alle ha u naxariistee C/raxmaan Cabdishiraye Maxamed ayaa lagu dilay rabshadaha ka socda Dalka South Sudan, sida ay xaqiijisay safaaradda Soomaaliya ee magaaladda Jubba.
Danjire Jamac Hassan Khaliif ayaa ka qeyb-galey aaska marxuumka Magaladda Juba ee Dalka South Sudan, isagoo tacsi u diray dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka South Sudan gaar ahaan Ehelka iyo Qaraabada uu marxuumka ka geeriyoodey.
Dhan kale Safiirka ayaa ku booriyey Dhamaaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka South Sudan inay muujiyaan feejignaan dheeri ah ,aadna u yareeyaan isku socodka Gadiidka iyo lugta ,sidoo kalena u hogaansadaan Awaamiirta Laamaha Amnig iyo sharuucda la soo rogey.
Daawo Danjiraha oo ka hadlaya aaska Marxuumka: