MUQDISHO [SMN] – Xili uu shalay safarka ugu ambabaxay Madaxwaynaha Jubaland Ahmed Maxmed Islaam [Axmed Madoobe] dalka Kenya, dowlada Soomaaliya ay qaadey tallaabo uga jawaabeyso arintaas, iyadoo u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho.
Dowladda ayaa horey u cunuqabataysay Madaxda Jubaland oo loo diiday inay u safraan dibadda kadib khilaafkii xooganaa ee soo kala dhexgalay dowlada Dhexe iyo Jubaland, kaas oo ilaa haataan wali taagan yahay.
Xilidhiban Caananuug oo kamid ah Golaha Shacabka, lagana soo doortay Jubaland ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay cunuqabataysay oo kaliya shacabka reer Jubaland, isagoo su’aal ka keenay qaabka loo qabanayo doorasho qof iyo cod ah, hadii dowladu shacabkeeda cunuqabataynayso .
Dhan kale, Xildhibanka ayaa waxuu Madaxwayne Axmed Madoobe ugu hambalyey safarkiisa uu ku tagay dalka Kenya, maalintii shalay, isagoo diyaarad gaar ah ka qaadey magaaladda Kismaayo.
Eedeynta Xilidhibanka ayaa kusoo aaday xili Jubaland ay la kulmayso cadaadis xoogan oo uga imaanaya dhanka Muqdisho.