GAALKACYO [SMN] – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay xaalado haatan degan tahay kadib markii uu xalay iska hor imaad kooban ku dhexmaray magaalada labo beelood oo wada degan, mudooyinkaana ay dirir ku dhexmaraysay Galbeedka Gobolka Mudug.
Inkastoo gudaha Magaalada laga dareemayo cabsi iyo saan colaadeed ayaa dhinaca kale waxaa muuqda dadaalo wadajir ah oo ay bilaabeen Maamulka Magaalada ee Labada dhinac Galmudug iyo Puntland iyo Odayaasha Dhaqanka.
Ciidamada isku dhafka ah ee labada Maamul ayaa sidoo kale weli ku raadjooga Kooxihii Hubeysnaa ee Habka Beeleed xalay weerarka ugu soo qaaday Xaafado ka tirsan Magaalada.
Caaqil Dhiin Cabdi Afhayeenka Golaha Dhaqan Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegaya in Xiisad ay jirto balse ay dadaalo ku bixinayaan sidii loo dejin lahaa.
Xiisada kasoo cusboonaatay magaaladda Gaalkacyo ayaa salka ku haysa dagaal beeleed mudooyinkii ugu danbeysay ka taagneyd Galbeedka Gobolka Mudug.