Feejignaanta Ciidamada Amniga Muqdisho oo sare loo qaadey

0

MUQDISHO [SMN] – Baaris xoogan ayaa ka socda Baraha Hubinta Gaadiidka oo ay sida wadajirka ah uga howl galaan Ciidamada Boliuska Somaliye iyo Ciidamada Nabadsugid Qaranka taasi oo la xiriirta Xaqiijinta Amniga Guud Ee Magaalada Muqdisho iyo Ka hortagida Qataraha Amni ee Suurta galka ah in Caasimadda ka dhici karaan.

 

Warbaahinta Shabelle oo Xiriir la sameysay Qaar kamid ah Saraakiisha Laamaha Amniga Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, gaar ahan kuwa dhaca dhanka Galbeed, ayaa heshay Macluumaad ku saabsan Sababaha ka dambeeya Sare qadista Baaritaanadasi Xoogan ee Gaadiidka Sida Bajaajta iyo Kuwa Raaxada ay Tahay ka dib Amar adag oo Ciidamada Lagu siiyey in ay labo jibaaraan Shaqada ay u hayaan ashacabka ee Badbadinta Nafta Muwaadiniinta Somaliyed

Maalmo ka hor ayaa lagu qabtay Bar Control ka mid ah kuwa Lagu baaro Gaadiidka Mooto Nuuca Bajaajta oo lagu soo dhex qariyey Qaraxyo Balse Nasiib wanaag ay Ciidamada Gacanta ku dhigeen iyylado oo an dhicin wax dhibaato ah

Sidoo kale Boliiska DFka ayaa Soo qabtay Dhamaadkii Todobaadkii hore Burcad shacabka Muqdisho Si joogta ah dhac ugu heysay kuwaasi lala soo qabtay Hubkii ay Maatida ku dhibayeen oo qoryaha Fudud u badnaa

Laga soo Bilaabo Degmooyinka Garasbaaley Kaxda Dharkenley iyo wadajir waxaa la marsiinayaa Gaadiidka hubin ka duean tii hore

Halka dhinaca kale degmooyinka woqooyi dhaca oo ay ka mid yihiin Hiliwaa Kaaraan iyo Yaaqshiid Ay Ciidamadu kordhiyen Baraha Hubinta gadiidka

Inkastoo la badbaadinaayo dhiiga iyo Nafta Shacabka balse meelaha qaar waxaa gaadiidleydu sheegeen in waqti aad u fog iyo ku Cadibnaadaan xili ay dhinaca kale Magaalada Laga dareemayo Ciriiri farabadan iyo Jaamka kadhaca isgoosyada qaar

Magaalada Muqdisho ayaa ka soo yara Xasileysa Qaraxyadii Badnaa iyo Weeraro horay uga dhici jiray Gudaha Caasimada

Shaqsiyaada ka Faalooda Dhanka Amniga ayaa horay u sheegay in Xeerarka Cameroyinka iyo Isla xisaabtanka Adak ee Askarta iyo Saraakiisha ay Saamaxday in Magaaladu Muuqeeda qurxoon iyo Nabadgalay Buslshada si joogta ah loo helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here