MUQDISHO [SMN] – Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ragg iyo dumarka ah, kuwaasi oo hab shaqaale-nimo loogu qaado dalka Sacuudiga oo maalmihii ugu dambeyay dadka qaar aad uga hadlayay baraha bulshadda iyo warbaahinta maxaliga ah.
Waxay dadkan dowlada Soomaaliya ay ku dhalileen in ay dayacday dhalinyaradii dalkaasi ay u qaaday, taasoo sababtay inay dhibaato kala kulmaan wadankaas.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan, oo arintaasi faafaahin ka bixiyay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay heshiis shaqo lasoo gashay Sacuudiga, islamarkaana dhalinyarada la qaaday ay yihiin kuwo xuquq leh, haddii ay maraan habraacyo sax ah, isagoo ugu baaqey inay aaminaan dowladooda.
Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegaa in sanadkasta dalka Sacuudiga ay u qaado dhalinyaro farabadan, kuwaasi oo halkaas u taga in ay ka shaqaystaan, balse bilihii ugu dambeeyay laga deyrinayay xaaladooda nololeed, iyado Sacuudiga la sheegay inaysan si wanaagsan ula dhaqmin.
Ma jirto cadeyn ka helay oo muujinaysa in xad-gudub lagu sameeyay dhalinyaro shaqaale xirfadley ah, oodowladda Soomaaliya u qaadey dalka Sacuudiga.