NAIROBI [SMN] – Kenya ayaa ku dhawaaqday Go’aan la xiriira dal-ku-galka dalkaas oo loo fududeeyay dalalka Afrika, marka laga reebo Soomaaliya iyo Libya.
War-murtiyeedka Gollaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka wata baasaboorada Afrika ay dalka Kenya ku gali karaan Fiiso la’aan, taasoo ah go’aan fiican oo horey ay u sameeyeen dhowr dal oo Ghana ugu dambeysay.
Sababta looga reebay Soomaaliya iyo Libya ayaa la sheegay inay tahay amniga dartiisa.
Dhammaan dadka kale ee Afrika ka yimaada ayaa heli doona muddo 2 bilood joogis ah, halka dadka wata baasaboorada waddamada EAC (Bulshada Bariga Afrika) oo Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay ay heli doonaan illaa muddo 6 bilood ah.
Kenya waxay kaloo shaacisay in dhammaan codsiyada Fiisaha ee dadka u safra Kenya lagu dhameystiri doono 72 saac gudahood.
Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay in sare loogu qaadayo isku socodka oo ku saleysan siyaasadda hawada furan ee ay Kenya qaadatay. Soomaaliya ayaa Kenya kala dhaxeeya xiriir dhaw, waxaana xadkooda uu yahay mid isku furan oo labada dhinaca Soomaali degan tahay.
Kenya ayaa malaayiin dollar ka hesha suuqa Soomaaliya ee usoo iib geyso Qaadka Miraa.