Xamsa: Way naga go’an tahay inaan dalka ka qaban doorasho qof iyo cod ah

0

MUQDISHO [SMN] – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka.

 

Wuxuu xarunta ka sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo ay u baahan yihiin, si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.

“Doorashadu waa xaquuq asaasi ah oo muwaadinku leeyahay, sidaas darteed, waxaad u madax-bannaan tihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka qabsoonta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey xubnaha guddiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guddiga gacan ku siineyso fududeynta dhinacyada amniga, wacyigelinta iyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.

May be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 9 people and tableMay be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 10 people, suit and wedding

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here