Askar Soomaali ah oo Tababar ku Dhameystay dalka Qatar

0

DOHA [SMN] – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galay munaasabadda qalinjebinta 17 arday oo Soomaaliyeed, kuwaas oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan. Ardaydan ayaa ku soo biiri doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada iyo tababarka ay siisay dhallinyaradaan Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen tababarka iyo dadaalka ay muujiyeen intii ay ku jireen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in dhallinyaradaan ay tahay kuwo leh xirfado iyo aqoon ciidan oo cusub, isla markaana ay muhiim u yihiin dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca dalka.

“Ardaydan waxay ku soo biiri doonaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna qeyb weyn ka qaadan doonaan hawlgallada ciidamada, iyagoo kaalin muhiim ah ka geysan doona nabad-gelyada iyo xoreynta deegaanada dalka,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku tilmaamay xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar mid horumar leh, isagoo sheegay in tababarada iyo taageerada noocan ah ay qeyb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo awoodda ciidan ee Soomaaliya.

Booqashada Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdigiisa ee dalka Qatar ayaa sidoo kale qeyb ka ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, tababarka ciidan iyo horumarinta adeegyada difaaca ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here