QAAHIRA – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa sharaxaad ka bixiyay go’aanka Masar ee ku aaddan taageerada iyo ka qayb qaadashada hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSOM) ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in hawlgalkaasi ujeedkiisu yahay ilaalinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
Shir jaraa’d oo isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh si wadajir ah shalay ugu qabteen magaaladda Qaahira, ayuu Al-Siisi ku sheegay in Masar aysan khatar ama dulaan ku ahayn dalalka deriska la ah Soomaaliya xili Itoobiya ay isku khilaafsan yihiin biyo-xireenka webiga Niil.
Madaxweyne El-Sisi ayaa beeniyay wararka sheegaya in Masar ay Soomaaliya u adeegsanayso inay danaha gaar ah ay ka leedahay gobolka Geeska Afriak, oo ugu horey arinta webiga Niil. Waxa uu ku tilmaamay xiriirka labada wadan ee hadda la gaarsiiyay heer iskaashi-istaraatijiyadeed uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta nabadda, xasiloonida, iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.
“Muddo ka badan 30 sano ayaan ka welwelsanayn xaaladda Soomaaliya, ka qayb qaadashadeena howlgalka Midowga Afrika waxay ujeeddadiisu tahay taageerida shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri El-Sisi.
Masar ayaa bishii Agoosto ee sannadkii hore usoo dirtay hub iyo qalab ciidan magaaladda Muqdisho, taasoo noqotay arrin ay si weyn walaac uga muujisay Itoobiya, iyadoo ka digtay khatarta ka dhalan karta dhaq-dhaqaaqa ay gobolka kawado Masar. Laakiin El-Sisi wuxuu ku celiyay-celiyay in Masar ay ka go’an tahay difaaca madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana aysan aqbali doonin in dalal dibadda ah ay khalkhal geliyaan amnigeeda.
Xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa weli sii xoogeysanaya, iyadoo labada dal ay ku heshiyeen in ay wadajir u xoojiyaan iskaashiga difaaca, amni, waxbarashada, isku socodka iyo dhaqaalaha. Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay, in xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Masar uusan waxba u dhimayn xiriirka ay la leedahay Itoobiya.